Home
Hordhaca
Arrimaha uu ku socdo ajandaha 2010 waxa la sameeyay 2000. Iyadoo ay arrintu sidaas tahay ayaanay haddana beelaha madawga iyo aqalliyaadku ka warqabin ahammiyadda ay leedahay.  Arrintaas sababaheeda qaarkood waa iyadoo illaa berigaas ay gaabinaysay sida loogu dhex baahiyay beelaha aqalliyaadka.  Beelaha iyo qidaaca samafalku waxay leeyihiin door ay ka ciyaari karaan si loo hubiyo inay beelaha BME ay ka warqabaan oo ay ka qayb qaataan ajandaha 2010. 
Golaha caafimaadka ee aqalliyaadka (The Ethnic Health Forum (EHF)) ayaa tilmaamay firaaqa u dhexeeya CD ROM ka ajandaha 2010 ku soo saaray 5 luqadood si ay dadka ka soo jeeda madawga iyo aqalliyaadka ee aanay luqaddooda koowaad ahayn ingiriisidu ay u xiiseeyaan. Waxa la rajaynayaa inuu juhdigaasi horumarin ku sameeyo inay beelaha mandaqaddu ka qayb qaataan ajandaha 2010.